Hay’adaha King Salman, Maxaasin Foundation oo deeq Timir ah ugu deeqay qoysas danyar ah

Date:

Hay’adda Gargaarka iyo arrimaha bani’aadanimada ee King Salman, oo kaashaneysa hay’adda Maxaasin Foundation, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka wada maalintii labaad qeybinta deeq Timir ah oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah.

Maalinkii labaad ee qeybinta ayaa lagu qabtay degmada Wadajir, halkaas oo 7,000 oo qoys ay ka faa’iideysteen.

Goobta lagu qeybiyay gargarkan waxaa goobjoog ka ahaa madax sare oo ka kala socday hay’adaha King Salman iyo Maxaasin Foundation. Dadkii deeqda helay ayaa uga mahadceliyay hay’adaha taageerada joogtada ah ee ay u fidinayaan bulshada danyarta ah ee Soomaaliyeed.

Deeqdan Timirta ah ayaa qeyb ka ah mashruuc ballaaran oo lagu taageerayo qoysas badan oo Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay'adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay...

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka...

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag...