๐—ฆ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ถ๐˜†๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—จ๐—ด๐—ฎ๐—ป๐—ฑ๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐˜…๐—ผ๐—ผ๐—ท๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ฎ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ถ๐˜€๐—ธ๐—ฎ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—น๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฑ๐—ฎ๐—น

Date:

Waxaa maanta ka dhacay caasimadda Uganda ee Kampala shirka Guddiga Joogtada ah ee Soomaaliya iyo Uganda (JPC) kaasoo loogu diyaar-garoobayo Shirka-Madaxeedka labaad Soomaaliya – Uganda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga, kaas oo dhici doona 7โ€“8 Oktoobar 2025 Kampala. Shirkan ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo dalxiiska.

โ€ŽIntii lagu guda jiray soo bandhigista shirkan ayaa Prof. Sam Tulya-Muhika, oo ah Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa ku boorriyay shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahayinay ee Uganda ka faaโ€™iidaystaan fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee Soomaaliya ka jira. Wuxuu xusay taariikhda dheer ee xiriirka labada dal oo soo bilaabatay 1920-meeyadii, isagoo carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la dhiirrigeliyo maalgashi isdhaafsi ah oo dheelitiran.

โ€ŽDhankiisa, Lataliyaha koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda, Mudane Cabdilatiif Maxamuud Cali ayaa sheegay in shirka labaad ee JPC uu yahay tallaabo taariikhi ah oo muujinaysa xiriirka qotada dheer ee labada dal. Wuxuu caddeeyay in Uganda mar walba garab istaagto Soomaaliya, ayna shacabka Soomaaliyeed abaalkaas u haayaan.

โ€ŽShirka-Madaxeedka labaad Soomaaliya – Uganda ee Maalgashiga iyo Ganacsiga ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiisyo cusub oo ku saabsan waxbarashada, shaqada iyo socdaalka, iyo sidoo kale amniga, caafimaadka iyo arrimaha qaxootiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha Wasiirrada XFS oo Ansixiyey Heshiisyo Caalami ah iyo Xeer-nidaamiyeyaal Muhiim ah

Muqdisho, Khamiis, 05 Maarso 2026 โ€“ Golaha Wasiirrada ee...

Wasaaradda Warfaafinta oo soo dhaweysay Ansixintaย  dhammeystirka Dastuurka JFSย 

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa si diirran...

Wasaaradda Hawlaha Guud ee XFS oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka JFS

MUQDISHO | 05 Maarso 2026 โ€“ Wasaaradda Hawlaha Guud,...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Dhaweysay Ansixinta Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ayaa soo...