Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada Soomaaliya iyo Qatar

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa guddoomiyay kulanka u diyaar-garowga is-afgaradyada iskaashiga (MoUs) ee Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka ayaa looga hadlay diyaarinta iyo dardar-gelinta is afgaradyada dhinacyada kala duwan ee muhiimka ah ee ay kala saxiixanayaan labada dowladood, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

•⁠ ⁠Iskaashiga Difaaca

•⁠ ⁠Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

•⁠ ⁠Waxbarashada Sare iyo Dhaqanka

•⁠ ⁠Warbaahinta

•⁠ ⁠Maaliyadda (Cashuuraha iyo Kastamka)

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka, ayaa xusay in heshiisyadani ay qayb ka yihiin dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana doonayo in si toos ah loogu turjumo adeegyo iyo fursado shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa jira heshiisyo wali socda oo ku saabsan Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amniga Gudaha, Iskaashiga Tacliinta Sare, iyo Beeraha iyo Amniga Cuntada, kuwaas oo lagu xallinayo dhinacyada ka harsan ka hor saxiixa rasmiga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...