Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care International, Mr Apollo Gabzira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani’aadannimo iyo wada shaqaynta joogtada ah.

Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan mashaariicda ay Hey’adda Care International ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...