Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Bariga iyo Bartamaha Afrika ee hey’adda Care International, Mr Apollo Gabzira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliso hay’adda iyo sidii ay u waafajin lahaayeen Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) oo qeexaya barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey Hey’adda Care International taageeradooda ku aaddan dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, dib-u-dhiska, xasillinta iyo bani’aadannimo iyo wada shaqaynta joogtada ah.

Dhinaca kale, Apollo Gabzira, ayaa sheegay in ay sii xoojin doonaan mashaariicda ay Hey’adda Care International ka waddo Soomaaliya ee ku aaddan taageerada shacabka Soomaaliyeed, iyada oo lagu salaynayo mudnaanta bulshada iyo qorshaha Xukuumadda.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...