Saraakiil ka tirsan HSJ oo loo qabtay tababar la xiriira barista iyo hubinta Dukumentiyada

Date:

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duxulow ayaa furay tababar ku saabsan baarista iyo hubinta dukumentiyada, kaas oo ay ka faaโ€™iideysanayaan 30 sarkaal oo ka kala socda waaxyaha kala duwan ee Hayโ€™adda, oo ay ku jiraan Xuduudaha iyo Socdaalka, Jinsiyadda iyo Ajaanibta iyo Dalkugalka.

Tababarkan waxaa loogu talagalay in lagu xoojiyo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ee la xiriira baaritaanka iyo xaqiijinta dukumentiyada, si loo hubiyo saxnaanta iyo sharciyadda dukumentiyada ay soo gudbiyaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee adeegyada ka helaya Hayโ€™adda.

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay dadaallada Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee lagu tayeynayo adeegyada bulshada, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo saraakiil xirfad sare u leh baarista dukumentiyada iyo barashada astaamaha lagu garto dukumentiyada saxda ah iyo kuwa been-abuurka ah.

Waxa uu intaas ku daray in tababarkani uu qayb ka yahay dadaallada Hayโ€™adda ee lagu xoojinayo adeegyada socdaalka dalka iyo ka hortagga socdaalka sharci-darrada ah.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale