General Tuuryare oo Taliyaha CXD la wadaagay Shaqada Isbaheysiga IMCTC

Date:

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta xarunta Taliska Xoogga ee Wasaaradda Gaashaandhigga kusoo dhaweeyay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), haatanna ah Wakiilka Soomaaliya u fadhiya Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee La-dagaallanka Argagixisada (IMCTC), General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo iskaashiga caalamiga ah ee lagu ciribtirayo khataraha argagixisada, iyadoo sidoo kale lagu adkeeyay wada-shaqeynta ka dhaxaysa ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah, si looga miro-dhaliyo degganaanshaha guud ee gobolka iyo xasilloonida Soomaaliya.

General Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare ayaa Taliyaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan howlaha Isbahaysiga IMCTC iyo kaalinta uu ku leeyahay taageerada dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, Wuxuu xusay in Isbahaysigu uu xoogga saaro burburinta fikirka xagjirka ah, ciribtirka ilaha dhaqaale ee argagixisada.

Iskaashigan ayaa qayb muhiim ah ka qaadanaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto xaqiijinta amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...