Wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug oo shir ku qabatay Galmudug

Date:

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa magaalada Galkacyo ku qabatay shir muhiim ah oo looga hadlayo caqabadaha ay la kulmaan xubnaha haweenka ah ee ka tirsan booliiska, iyo sidoo kale dhibaatooyinka soo wajaha haweenka bulshada ee u baahan adeegyada booliiska.

Shirkan oo soconaya maalmo ayaa lagu lafa-guri doonaa dhammaan caqabadaha jira, iyadoo la dhageysanayo talooyinka iyo aragtiyada ka imanaya dhinacyada kala duwan ee ka qaybgalaya. Xogta iyo natiijooyinka kasoo baxa shirkan ayaa lagu saleyn doonaa qorshaha shanta sano ee soo socota ee booliiska Galmudug, si loo helo xal waara oo wax looga qabto dhibaatooyinka haweenka ku xeeran marka ay la macaamilayaan adeegyada booliiska.

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay in kulankani uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo cadaaladda, sinnaanta iyo helitaanka adeegyo amni oo loo wada siman yahay, iyadoo haweenka lagu dhiirrigelinayo inay kaalin muuqata ka qaataan dhismaha nabadda iyo sugidda amniga bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...