R๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐šโ€ ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐ƒ๐š๐ง๐๐š๐ซ๐š๐ง ๐ฐ๐š๐ฑ๐š ๐š๐ฒ ๐๐š๐๐š๐š๐ฅ ๐›๐š๐๐š๐ง ๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ฌ๐š๐ฒ ๐ญ๐š๐ฒ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐ฐ๐š๐ฑ๐›๐š๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay xarunta Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, taasi oo laga hirgelinayo dhisme casri ah oo qeyb ka qaadan doona horumarinta deegga Waxbarasho ee dalka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dib-u-dhiska xarunta Wasaaradda Waxbarashada dalka ay muujinayso dadaalka dowladda ee ku aaddan tayeynta adeegyada bulshada iyo barbaarinta Ubadka Soomaaliyeed, maadaama ay wasaaraddani ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee dowladda.

โ€œXukuumadda DanQaran waxa ay dadaal badan gelisay tayeynta waxbarashada dalka iyo casriyeynta dhammaan nidaamyada waxbarashada bilow ilaa dhammaad, waxaa la dhisay Guddiga Tacliinta Sare si loo helo waxbarasho jaamacadeed oo horumarsan, Waxaana naga goโ€™an in ubadkeennu helaan aqoon iyo xirfad tayo sare lehโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

โ€œWasaaraddaan Waxaa ay ka mid tahay Wasaaradaha ugu muhiimsan dalka, maadaama ay maamuleyso wixii ugu muhiimsanaa ee dalkani uu lahaa oo ah ubadka, dhallinyarada doonaya in ay wax bartaan dowladda waxaa ay ku leeyihiin waa in ay hagaajiso goobihii ay wax ku baran lahaayeenโ€.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada dalka dadaalkooda ku aaddan horumarinta adeegga waxbarasho ee dalka, ilaalinta xogta ardayga iyo casriyeynta nidaamka tacliinta.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somaliaโ€™s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...