Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club

Date:

Kooxda kubadda cagta Dekadaha FC oo Soomaaliya ku mataleysa tartanka CAF ayaa Axadda, 21-ka September 2025, la ciyaari doonta kooxda Alzamala Sports Club oo ka socota dalka Sudan, kulan ayaa ka dhici doona garoonka Nyayo National Stadium ee magaalada Nairobi, saacadda 4:00 galabnimo.

Ka hor safarka, Maareeyaha Dekadda Muqdisho, Danjire Maxamed Cali Nuur “Ameeriko”, ayaa kulan sagootin ah u sameeyay ciyaartooyda iyo maamulka kooxda, Wuxuu ku dhiirrigeliyay inay si sharaf leh ugu matalaan magaca iyo calanka Soomaaliya, isagoo xusay in guusha ay gaaraan ay astaan u noqon doonto sumcadda iyo magaca qaranka.

“Kooxda Dekedaha waxay mataleysaa magaca qaranka, waxaana naga go’an inaan taageerno koox kasta oo kor u qaadaysa sumcadda Soomaaliya,” ayuu yiri Danjire Ameeriko, oo horey uga soo shaqeeyay diblomaasiyadda isagoo ahaa safiirka Soomaaliya ee Kenya.

Danjiraha ayaa xusuusiyay waayo-aragnimadiisii hore ee Nairobi, xilli xulka qaranka Soomaaliya uu halkaas ciyaaro ku lahaa, isagoo tilmaamay sida jaaliyadda Soomaaliyeed ay u buux dhaafiyeen garoomada, Wuxuu xusay in xataa wargeysyada Kenya ay markaas qoreen in taageerayaashu garoonka ka dhigeen “sida Muqdisho oo kale.”

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...