Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta degmada Ceeldheer u qabtay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la sameeyay ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamulka degmada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Daljirayaasha Xoogga Dalka iyo saraakiishooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.

Tani waxay dhiirrigelin gaar ah u tahay geesiyaasha Xoogga Dalka ee difaaca qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...