Taliyaha Ciidanka Dhulka oo Ceeldheer ku abaalmariyay Geesiyaasha Xoogga Dalka

Date:

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Jeneraal Khaalid,” ayaa maanta degmada Ceeldheer u qabtay geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka munaasabad isugu jirtay duco loogu sameeyay shuhadadii ku dhimatay dagaalka, dhiirrigelin iyo abaalmarin la sameeyay ciidankii casharka u dhigay Khawaarijta.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Booliska Hirshabeelle, Jeneraal Xasan Dhicisow, saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka, iyo maamulka degmada.

Dhamaan masuuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay guusha ay gaareen geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa gudoonsiiyay Daljirayaasha Xoogga Dalka iyo saraakiishooda shahaadooyin sharaf, billado abaalmarin ah iyo dhiirrigelin gaar ah.

Tani waxay dhiirrigelin gaar ah u tahay geesiyaasha Xoogga Dalka ee difaaca qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...