Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka, kaas oo lagu taageeri doono wacyigelin, jawaab degdeg ah iyo soo kabasho.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay kulan istiraatiiji ah oo lagu soo bandhigay qorshe fulineedka horumarinta awoodda iyo abaabulka khayraadka, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha iyo ujeeddada ugu weyn ee adeeg hufan oo loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed.

Sanduuqa cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo awoodda dalka ee la xiriirta ka jawaabidda musiibooyinka iyo xaaladaha degdegga ah, lana hubiyo in khayraadka iyo adeegyada muhiimka ah si hufan loogu adeegsado, si shacabka Soomaaliyeed looga badbaadiyo waxyeello kasta oo ka dhalan karta musiibooyinka mustaqbalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG koonfur Galbeed oo magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada

Hoggaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid...

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga oo Ankara ku soo gabagabeeyey kulamo muhiim ah

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Guddoomiye Ku-xigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir oo ka Qayb-galay Daahfurka Xarunta Shaybaarka Biyaha

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, Mudane Ciise...

Ciidanka Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose

WAR SAXAAFADEED Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo...