๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฑ๐—ผ๐—ผ๐—บ๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐——๐— ๐—” ๐—ผ๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ ๐—พ๐—ฒ๐˜†๐—ฏ ๐—ด๐—ฎ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐˜€๐—ต๐—ถ๐—ฟ ๐—น๐—ผ๐—ผ๐—ด๐—ฎ ๐—ต๐—ฎ๐—ฑ๐—น๐—ฎ๐˜† ๐—ธ๐—ต๐—ฎ๐˜๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—ฐ๐—ถ๐—บ๐—ถ๐—นl๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ

Date:

Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu falanqeynayey fursadaha maaliyadeed ee wax looga qaban karo khataraha iyo musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimillada.

Shirka waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Xildhibaanno iyo madax kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo sida loo heli karo maalgelin iyo taageero dhaqaale oo wax ku ool ah, si wax looga qabto saameynta sii kordheysa ee arrintan.

Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo fursado maaliyadeed oo waara, si Soomaaliya ay ugu diyaar garowdo loona xakameeyo halista musiibooyinka dabiiciga ah ee sii kordhaya sababo la xiriira isbeddelka cimilada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad baniโ€™aadanimo oo degdeg ah.ย 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...