Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Kormeerka Suuqa Qaranka ee dalka Aljeeriya, Mudane Ḍayib Zaytuuni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Gudaha Afrika oo ka socota magaalada Aljeers, 4–10-ka Sebteembar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furista fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, arrin ay dan weyn ugu jirto labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay hababka lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista is-weydaarsiga ganacsi, iyadoo la adeegsanayo madalaha uu bixiyo Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...