Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Date:

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga Gudaha iyo Kormeerka Suuqa Qaranka ee dalka Aljeeriya, Mudane Ḍayib Zaytuuni, intii lagu guda jiray Carwada 4-aad ee Ganacsiga Gudaha Afrika oo ka socota magaalada Aljeers, 4–10-ka Sebteembar.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda horumarinta xiriirka laba geesoodka ah iyo furista fursado cusub oo iskaashi dhaqaale iyo ganacsi oo dhexmara Soomaaliya iyo Aljeeriya, arrin ay dan weyn ugu jirto labada shacab ee walaalaha ah.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay hababka lagu xoojin karo iskaashiga dhinacyada ay danaha wadaagaan, gaar ahaan is-dhaafsiga khibradaha iyo kor u qaadista is-weydaarsiga ganacsi, iyadoo la adeegsanayo madalaha uu bixiyo Carwada Ganacsiga Gudaha Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...

Wasaaradda Gaadiidka Badda XFS oo si rasmi ah u diiwaangelisay markab sita calanka Soomaaliya

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo isbeddel ku sameeyay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda

Muqdisho , 1-da April , 2026 : Ra’iisul Wasaaraha...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Baydhabo kulan kula qaatay Mas’uuliyiinta Wasaaradaha KGS 

Baydhabo, Soomaaliya – 1-da Abriil, 2026: Guddoomiyaha Golaha Shacabka...