Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Date:

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog ee Marra ee galbeedka Sudan, kadib markii maalmahaan ay ka da’ayeen roobab mahiigaan ah ,sida ay sheegeen kooxda mucaaradka hubaysan ee dalkaasi.

Aagga uu ka dhacay dhul go’a ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyiga Darfur,kuwaas oo magangalyo u joogay gobolka Marra ee buuraleyda ah,kadib markii ay ka soo carareen dagaal dhexmaray ciidanka Suudaan iyo kuwa mucaaradka ah.

Kooxaha mucaaradka Sudan ayaa sheegtay in ay jiraan dad barakacayaal ah oo ka cararay masiibadaasi waxayna ka codsadeen Qaramada Midoobay iyo ururada samofalka in gurmad bini’aadanimo loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay masiibadaasi.

Shilkaan oo dhacay maainimadii Axadda ee la soo dhaafay ayaa keenay in Minni Minnawi oo ah Barasaabka Darfur uu dhul go’aasi ku tilmaamo musiibo bini’aadantinimo.

Dagaal sokeeye ee bishii April 2023-kii dhex maray ciidamada Sudan iyo jabhada RSF ayaa dalka galiyay macmuul ,waxaana dalkaasi isaga cararay hey’ado badan oo kuwa samofalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...