Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan

Date:

Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ku dhintay buuraha fog ee Marra ee galbeedka Sudan, kadib markii maalmahaan ay ka da’ayeen roobab mahiigaan ah ,sida ay sheegeen kooxda mucaaradka hubaysan ee dalkaasi.

Aagga uu ka dhacay dhul go’a ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen dad badan oo ka soo jeeda gobolka Waqooyiga Darfur,kuwaas oo magangalyo u joogay gobolka Marra ee buuraleyda ah,kadib markii ay ka soo carareen dagaal dhexmaray ciidanka Suudaan iyo kuwa mucaaradka ah.

Kooxaha mucaaradka Sudan ayaa sheegtay in ay jiraan dad barakacayaal ah oo ka cararay masiibadaasi waxayna ka codsadeen Qaramada Midoobay iyo ururada samofalka in gurmad bini’aadanimo loo fidiyo dadka ay waxyeeladu ka soo gaartay masiibadaasi.

Shilkaan oo dhacay maainimadii Axadda ee la soo dhaafay ayaa keenay in Minni Minnawi oo ah Barasaabka Darfur uu dhul go’aasi ku tilmaamo musiibo bini’aadantinimo.

Dagaal sokeeye ee bishii April 2023-kii dhex maray ciidamada Sudan iyo jabhada RSF ayaa dalka galiyay macmuul ,waxaana dalkaasi isaga cararay hey’ado badan oo kuwa samofalka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...