Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare,oo maanta ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,ayaa kalmad ka jeediyay madasha.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Joogtada ah,sida wanaagsan ee ay u taageereen Dalabka Soomaaliya ee ahaa in laga cafiyo deymihihii isgaaray muddo 38 Sano ah oo aanan la bixin dhaqaalaha sanadlaha ah ee xubinnimada,taasoo la go’aamiyay cafinta 75% deymahaasi.

Danjiraha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dawladda Soomaaliya,isla markaana Safaaraddu ka miradhalisay dadaalkii ay u gashay arrintan iyadoo laga duulayo jihaynta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...