Danjire Awaare oo ka qaybgalay kulanka wakiillada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta

Date:

Danjiraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ee Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Cali Cabdi Awaare,oo maanta ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Wakiillada joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta,ayaa kalmad ka jeediyay madasha.

Danjire Awaare ayaa uga mahadceliyey Ururka Jaamacadda Carabta iyo Wakiillada Joogtada ah,sida wanaagsan ee ay u taageereen Dalabka Soomaaliya ee ahaa in laga cafiyo deymihihii isgaaray muddo 38 Sano ah oo aanan la bixin dhaqaalaha sanadlaha ah ee xubinnimada,taasoo la go’aamiyay cafinta 75% deymahaasi.

Danjiraha ayaa tallaabadan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hoyatay Dawladda Soomaaliya,isla markaana Safaaraddu ka miradhalisay dadaalkii ay u gashay arrintan iyadoo laga duulayo jihaynta Madaxda Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...