Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Date:

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo kalena way ku dhaawacmeen dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Dalka Afgaanistaan ​​oo ku dhow xadka Pakistan.

Dhulgariikaan oo dhacay habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in ay ku burbureen guryo ka samaysan dhoobo iyo alwaax oo ku yiillay Gobolka Kunaar iyo deegaanka Nangarhar .

Dhulgariirkaan oo cabbirkiisu ahaa 6 magnitude ayaa laga dareemay Pakistan oo deriska la ah Afganistan iyo Dalka Hindiya,waxaana weli socda dadaallo lagu bixinayo samotamixinta dadka oo ay ka qeybqaadanayaan diyaaradaha helikobtarka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban ayaa sheegtay in tirade dhimashada ay haatan gareyso 622,waxaana jira koror sii baahaya oo ku saabsan khasaaraha dhulgariirka marka la eego fogaanta goobaha ay saameeyeen masiibadaasi iyo dhibka hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay ku qabaan gaaritaanka halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...