Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan

Date:

Ugu yaraan 600 oo qof ayaa dhintay, 1,500 oo kalena way ku dhaawacmeen dhulgariir xoogan oo ku dhuftay bariga Dalka Afgaanistaan ​​oo ku dhow xadka Pakistan.

Dhulgariikaan oo dhacay habeenimadii xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in ay ku burbureen guryo ka samaysan dhoobo iyo alwaax oo ku yiillay Gobolka Kunaar iyo deegaanka Nangarhar .

Dhulgariirkaan oo cabbirkiisu ahaa 6 magnitude ayaa laga dareemay Pakistan oo deriska la ah Afganistan iyo Dalka Hindiya,waxaana weli socda dadaallo lagu bixinayo samotamixinta dadka oo ay ka qeybqaadanayaan diyaaradaha helikobtarka ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Taliban ayaa sheegtay in tirade dhimashada ay haatan gareyso 622,waxaana jira koror sii baahaya oo ku saabsan khasaaraha dhulgariirka marka la eego fogaanta goobaha ay saameeyeen masiibadaasi iyo dhibka hay’adaha gargaarka caalamiga ah ay ku qabaan gaaritaanka halkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...

Xafiiska Hantidhowrka JFS oo soo gabagabeeyay Aqoon-isweydaarsi ku saabsan Musuqmaasuqa

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maanta soo gebagabeeyey...