Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti

Date:

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar, oo dalka howlo shaqo u joogay.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee dhinaca amniga iyo dardargelinta howlgallada wadajirka ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab. Kulankan ayaa daba socday heshiiskii dhawaan ay kala saxiixdeen Wasaaradaha Gaashaandhigga ee labada dal, kaas oo la xiriira ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM).

Wasiir Cumar ayaa uga mahadceliyay dowladda Jabuuti taageerada joogtada ah ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliya, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada “Hiil Walaal” ee qaybta ka ah howlgalka AUSSOM.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...