Soomaaliya iyo Jabuuti oo Kala saxiixday heshiis is-afgarad oo muhiim ah

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa maanta xarunta Wasaaradda arrimaha ee Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Dowladda Jabuuti Mudane Danjire Cabdulqaadir Xuseen Cumar, Kulanka ayaa u jeedkiisu ahaa xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo kor u qaadidda iskaashiga labada dal ee dan-wadaagga ah.

Intii uu socday kulanka, waxaa laga wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhanka amniga, xasilloonida gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee labada dal ay danaha ka leeyihiin, Labada wasiir ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in si dhow la isula shaqeeyo si loo horumariyo nabadda, horumarka iyo barwaaqada Geeska Afrika.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada wasaaradood waxay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad (MoU) oo ku saabsan wadatashiyada siyaasadeed, taas oo dhisaysa hannaan rasmi ah oo lagu yeelanayo wadahadal joogto ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Jabuuti, Heshiiskan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga diblomaasiyadeed isla markaana uu horumariyo mudnaanta labada dal ee heer gobol iyo heer caalami.

Soomaaliya iyo Jabuuti oo ay ka dhaxeyso xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, dhaqan iyo walaaltinimo ayaa sii wada dhisidda iskaashigooda soo jireenka ah, iyaga oo mar walba ka shaqeynaya wada-shaqeyn iyo isu soo dhowaansho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...