Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday xarunta warshadaha tamarta ee Ningxia

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagay Xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui ee dalka Shiinaha. Xaruntani waa aag horumarineed muhiim ah kana mid ah xarumaha hormuudka u ah Shiinaha ee isbeddelka warshadaha iyo tamarta.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa in Soomaaliya ay ka faa’iideysato khibradda Ningxia ee dhismaha warshadaha kala duwan, tamarta nadiifta ah, iyo horumarinta warshadaha, iyadoo la xoojinayo Qorshaha Isbeddelka Qaranka.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ku tilmaamay Ningxia tusaale wax ku ool ah oo muujinaya sida horumar waara loogu gaari karo warshadaha iyo tamarta. Waxa uu sheegay in casharrada laga dhaxlo ay fure u noqon karaan iskaashi miro dhal ah oo Soomaaliya ka caawin kara horumarinta tamarta, warshadaha iyo dhaqaalaha.

“Waxaan hiigsaneynaa dhisidda waax tamareed casri ah, abuurista fursado warshadeed cusub iyo dardar gelinta shaqo-abuurka dhallinyarada  anagoo kaashaneyna tignoolajiyad casri ah iyo maalgelin shisheeye,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Wasiirka Warfaafinta oo haddiyad ku saabsan Matxafka Carta guddoonsiiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Wasiirka Qorsheynta XFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay dhiggiisa Brazil.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud...

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada XFS oo ka qeybgashay Shirweynaha 43aad ee UNESCO.

Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...