Wasiir kuxigeenka Arrimaha Gudaha oo kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda oo uu dib-u-dhis ballaaran ka socdo

Date:

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdikhaakim Ashkir, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Caydaruus Macallin Xasan, ayaa kormeer ku tagay xarunta dhexe ee Wasaaradda ee degmada Boondheere, halkaas oo dib-u-dhis ballaaran uu ka socdo.

Mas’uuliyiintan ayaa indha-indheeyey heerka uu marayo dhismaha oo haatan gabagabo ku dhow, iyaga oo ka dhageystay Injineerrada iyo howlwadeenada kale ee shaqada ka socda warbixin ku saabsan waxa qabsoomay iyo inta harsan.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda, Mudane Ashkir, ayaa ku booriyey in la dardar-geliyo dhismaha si xaruntu ugu howl-gasho waqtiga ugu dhow, looguna adeego qaranka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...