Maxkamadda Ciidamada oo fulisay xukun dil ah oo lagu riday xubno Khawaarij ah

Date:

Xukun dil ah ayaa saaka lagu fuliyey Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud “Salmaan” iyo Aadan Mursal Maxamed Iidoow, kuwaas oo ka tirsanaa Khawaarijta, gaar ahaan qeybta qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

xubnahaan khawaarijta katirsana ayaa horey loogu soo qabtay falal amni-darro oo ay ka geysteen gudaha Soomaaliya, waxaana Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay ku heshay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin:

Dilal qorsheysan iyo qaraxyo lala beegsaday shacabka iyo masuuliyiinta.

Falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Gaalkacyo (Puntland), halkaas oo ay ku dileen haldooro bulshada ka tirsanaa, oo ay ku jireen nabadoono iyo odayaal dhaqameed caan ah.

Ka qayb qaadasho toos ah oo ay ku lahaayeen falalka gumaadka iyo cabburinta bulshada rayidka ah.

Maxkamadda Ciidamada ayaa markii hore dhageysatay dacwadda ka dhanka ah ragaan la shaqeynayay khawaarijta, iyadoo caddeymo muuqda iyo markhaatiyaal lagu soo bandhigay, taas oo horseeday in lagu rido xukun dil toogasho ah,oo ugu dambeyn maanta lagu fuliyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...