Kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda oo lagu qabtay Muqdisho

Date:

Wasiirka Caadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, Mudane Xasan Macalin iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed kala qeyb galay kulan kor loogu qaadayo isdhexgalka iyo amniga caasimadda Muqdisho, kaas oo lagu qabtay fagaare ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad oo kulanka soo abaabulay ayaa sheegay in si loo muujiyo amniga caasimadda Muqdisho iyo is dhexgalka bulshada iyo dowladda ay kulamadaan oo kale maalmaha soo socda ku qaba doonaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, si shacabka iyo masuuliyiintu ay u helaan fursad ay ku kulmaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...