Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleedka Waqooyi Bari

Date:

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan oo xubnaha Xildhibaanadda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari u doorteen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada iyo labadiisa kuxigeen ka dib doorasho ka dhacday magaaladda Laascaanood.

Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku amaanay Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari gudashada mid ka mid ah waajibaadkooda muhiimka ah, waxa uuna guddoomiyaha cusub ee la doortay iyo kuxigeenadiisa Alle SWT uga baryay inuu u fududeeyo waajibka shaqo ee loo doortay, asigoo sheegay inuu Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka garab taaganyahay lana shaqeyn doono.

Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-Bari ayaa Guddoomiyaha Golaha wakiiladda ee maamulkaasi u doortay Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, waxayna guddoomiye kuxigeenka koowaad u doorteen Amran Axmed Xasan, halka guddoomiye kuxigeen labaad ay u doorteen Mudane Cabdirisaaq Jaamac Warsame.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaaraha XFS oo daahfuray xarun cusub oo qaabilsan ka hortagga weerarada internetka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH IYO WAFDI UU HOGGAAMINAYO OO GAARAY MAGAALADA ARUSHA EE DALKA TANZANIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Janaraal Maxamed Cali Abokor

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Gubadleey oo u gudubtay wareega 3-aad Tartan cilmiyeedka warbaahin Qaranka

Degmada Gubadleey oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...