Booliska Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay konteenarro maandooriye ah

Date:

Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dekadda Muqdisho ku sheegay in laamaha amniga ay gacanta ku soo dhigeen konteenarro lagu soo qariyay waxyaabaha maanka dooriya.

Afhayeenka ayaa xusay in Booliska iyo hay’adaha amniga ay wadaan howlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka ka ganacsada iyo kuwa isticmaala maandooriyaha, isagoo digniin adag u diray ganacsatada ku hawlan arrintaasi. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in cid kasta oo lagu helo ganacsiga ama isticmaalka maandooriyaha sharciga la horgeyn doono.

Waxyaabaha maanka dooriya ayaa dhibaato ba’an ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wadaa dadaallo joogto ah oo looga hortagayo khataraha iyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada ku qaabilay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud received at the Presidential...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Baydhabo

Baydhabo, Abriil, 03, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...