Ra”iisulwasaaraha XFS oo hambalyo u diray guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad-goboleed waqooyi Bari

Date:

Ra”iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xassan, oo maanta lagu doortay magaalada Laascaanood.

“Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo doortay, gaar ahaan dhammeystirka qeybaha ka haray doorashada hoggaanka maamulka.”

Sidoo kale Ra”iisul wasaare Xamse ayaa ku ammaanay Xildhibaannada Golaha Wakiillada sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadkooda dastuuriga ah iyo mas’uuliyadda loo igmaday.

Xukuumadda DanQaran waxa ay dadaal xooggan ku bixisay dhismaha iyo hirgelinta Dowlad goboleedka Waqooyi Bari oo laf-dhabar iyo astaan u ah xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Shirweynaha Sannadlaha ah ee GANHRI oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay Geneva

Shirweynaha sanadlaha ah ee Ururrada Xuquuqul Insaanka caalamka ee...