𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐤𝐮 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐞𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐞𝐲 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐧𝐭𝐚𝐝𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 ee 𝐖𝐅𝐏

Date:

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatey Wakiilka Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga wadajirka ah ee lagu yareynayo gaajada iyo nafaqo-darrada, loogana hortagi lahaa dhimashada carruurta Soomaaliyeed ee la tacaalaysa macaluusha.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyay xoojinta barnaamijyada nafaqada ee bulshada, gaar ahaan kuwa hooyooyinka iyo carruurta, horumarinta xalal hal-abuur leh oo dhiirrigeliya isticmaalka cuntada maxalliga ah, iyo dhisidda nidaam sahay waara oo hubiya in cuntada nafaqada leh iyo daawooyinka muhiimka ah ay si joogto ah ugu gaaraan dadka ugu nugul, gaar ahaan meelaha ay dhibaatooyinka ugu badan ka jiraan.

Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la xoojiyo ururinta kheyraadka si loo fuliyo ballanqaadyadii ka soo baxay shirkii Nutrition for Growth ee la qabtay bishii Febraayo 2025, iyadoo la dhisayo guddi wadajir ah oo mideeya ololaha iyo qorsheyaasha la xiriira. Waxaa intaa dheer in la kobciyo iskaashiga cusub oo ay ku lug leeyihiin ganacsatada dalka, qurbo-joogta iyo hay’adaha samafalka gaarka loo leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo hey’adda WFP ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay muhiimka u tahay in la helo taageero joogto ah oo wax ku ool ah, si loo xaqiijiyo mustaqbal caafimaad iyo nolol badbaado leh oo carruurta Soomaaliyeed ay helaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay...

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya...