Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Banaadir oo ka qeybgalay isu soo bax lagu taageerayay doorashada qof iyo codka ah

Date:

Xalay waxaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan isgoyska Taleex, isugu soo baxay boqolaal ka mid ah shacabka caasimadda, kuwaas oo taageerayay hannaanka doorashada qof iyo codka ah ee dhawaan la filayo in dalka laga qabto.

Isu soo baxa ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka socday Gobolka Banaadir iyo shacabka ka kala yimid 20-ka degmo ee caasimadda, kuwaas oo si weyn u muujiyay taageerada ay u hayaan doorashada golayaasha deegaanka, si ay iyagu u soo doortaan cidda hoggaamineysa.

Qaar ka mid ah shacabka ka qeyb galay dibadbaxa ayaa la hadlay warbaahinta.

Caaqil Nuur oo ka mid ahaa dhalinyarada Muqdisho ayaa yiri:  “Dadka caawa isugu yimid Taleex waxay muujinayaan shucuurtooda iyo sida ay ugu faraxsan yihiin doorashooyinka qof iyo codka ah.”

Maama Suldaano oo sidoo kale goobta joogtay ayaa tiri:   “Caawa Taleex waxaa joogay dad ka kala yimid 20-ka degmo ee Gobolka, qof iyo codkana shacabka caasimaddu waa u diyaar.”

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo goobta ka hadlay ayaa xusay in hal milyan oo shacab ah oo isdiiwaangeliyay ay tahay guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed.

“In hal milyan oo shacab ah ay is diiwaangeliyaan waa guul ummadda u soo hoyatay,” ayuu yiri Yabooh.

Dhawaan ayaa la filayaa in ay qabsoonto doorashada golayaasha deegaanka, taas oo noqon doonta markii ugu horraysay 56 sano kadib, ay shacabka Soomaaliyeed helaan fursad ay si toos ah ugu soo doortaan hoggaankooda

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan lagu soo dhaweynayo dhammaystirka Dastuurka dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Kulan lagu soo dhoweynayay dhammaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Kismaayo oo u gudubtay wareegga 3-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Kismaayo oo ka tirsan Gobolka J/Hoose ayaa u...

Fariinta Madaxweynaha JFS ee Maalinta Haweenka Adduunka

Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa dhammaan haweenka Soomaaliyeed,...

Mas’uuliyiinta Gaashaandhigga XFS oo boogaadiyay kaalinta gabdhaha ee ciidanka xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo ay...