Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

Date:

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Afhayeenka Madaxtooyada “Madaxweynaha Qaranka wuxuu Baydhabo u joogaa adkeynta nabadda iyo dhisidda nidaam maamul oo dimuqraadi ah”

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Aadan Cali (Xadaana), oo magaalada...

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka tacsiyeeyay geerida taliyihii hore ee Danab iyo TurkiSom

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Moallim Fiqi,...

Taliyaha CXD oo dalacsiiyay ciidamadii ku guuleystay howlgalkii lagu furay waddada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa...

Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah...