Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Date:

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaasi oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday kooxo Khawaarij ah oo halkaas ku urursanaa, kuna diyaargaroobayay weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay horjoogeyaal muhiim ah oo muddo dheer dhibaato ku hayay bulshada deegaanka, kuwaas oo door weyn ku lahaa falalka amni darrada.

Howlgallada noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo guud ahaan dalka. Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in aysan jirin meel ay ku dhuuman karaan cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u...

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...