Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda QM

Date:

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo UNSOS. Waxay si gaar ah uga wada hadleen taageerada howlaha amniga, qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay UNSOS kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato dhismaha awoodda ciidamada iyo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...