Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Date:

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

 

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...