Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka

Date:

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kulankan wuxuu daaraa fulinta amar uu hore u bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan oo faah faahin ka bixiyey kulankan ayaa yiri“Waxaan ka bilownay degmooyinka Gobolka Banaadir barnaamijyo isku xiraya bulshada iyo Ciidamada Booliska.”

Bandhigaan oo ay Kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ka socotey Ciidanka Booliska, ayaa muhiimadiisu ahayd adkeynta wada shaqeynta Bulshada iyo Booliiska iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka u ah Amniga.

Bulshada ayaa loo sheegey in ay Ciidanka gacan ku siiyaan Sugida Amniga iyo in wixii ay dhibaato u arkaan kusoo wargeliyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud (fargax) ayaa ugu baaqay bulshada Degmada in wax waliba oo ay u arkaan inuu amnigooda Qatar ku yahay ay la soo wadaagaan laamaha amniga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha KMG ee Koonfur Galbeed oo Baydhabo kulan kula qaatay masuuliyiin sare

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...