Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Date:

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta bilicda magaalada, kaas oo laga bilaabay waddada dheer ee Wadnaha, gaar ahaan qeybta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid.

Ololahaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, madaxda maamulka gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Muqdisho la gaarsiiyo heerka caasimadaha horumaray, isagoo xusay in waaxda nadaafadda laga dhigi doono mid si joogto ah u shaqeysa, laguna xoojin doono tiro iyo tayo ahaanba.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday isla xisaabtan dhab ah oo lala yeelanayo shirkadaha bah-wadaagta la ah maamulka ee ka shaqeeya nadaafadda, isagoo xusay in saddex boqol oo aqoonyahan ah loo wareejiyay waaxda nadaafadda si ay ololaha u fuliyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan la imaan doono qalab casri ah oo lagu shaqeeyo, isla markaana la hirgelin doono sharciga nadaafadda, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka qeybqaataan sugidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyey shirka amniga Koofur Galbeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...