Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo kala saxiixday heshiis ku saabsan xaaladda Ciidamada (SoFA)

Date:

War-Saxaafadeed

Iyadoo la xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee walaalnimo ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa maanta magaalada Jabuuti lagu kala saxiixday Heshiis la xiriira Xaaladda Ciidamada Jabuuti (Status of Forces Agreement – SoFA), kaas oo saldhig u ah kordhinta ciidamada Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya.

Heshiiskan waxaa kala saxiixday Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-simaha Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane Cali Xasan Bahdoon. Munaasabadda waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sar-sare oo ka kala socday labada dal.

Heshiiska SoFA wuxuu hagayaa kordhinta tirada ciidamada Jabuuti ee ka howlgalaya gudaha Soomaaliya, iyadoo lagu saleeyay mabaadi’da iyo mudnaanta horey loogu heshiiyey. Sidoo kale, heshiisku wuxuu qeexayaa habraacyada faragelinta, waajibaadka labada dhinac iyo hanaanka iskaashi ee labada ciidan, iyadoo lagu saleynayo wadashaqeyn iyo is-ixtiraam.

Iskaashigan wuxuu caddeyn u yahay sida ay Jamhuuriyadda Jabuuti uga go’an tahay taageerada nabadda iyo amniga Soomaaliya, wuxuuna qeyb ka yahay aragti guud oo labada dal ka wadaagaan xasilloonida iyo horumarka gobolka.

Munaasabadda saxiixa ayaa ku qabsoontay jawi walaaltinimo iyo kalsooni leh, taasoo markale muujisay xoogga iyo qotada dheer ee xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo markale cafis u fidiyay dhallinyarada la qalday ee ka tirsan Khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Soomaaliya oo cambaareysay weerarrada argagixiso ee ka dhacay Gobolka Zamfara, Nigeria.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si kulul u cambaareyneysaa weerarrada...

Degmada Gubadley oo u gudubtay wareega labaad ee tartan cilmiyeedka warbaahinta Qaranka

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo...

Biyo-dhaamin loo sameeyay qoysaska ay saameysay abaarta ka jirta qeybo ka mid ah dalka

Hey’adda Xasan Kobac Foundation oo wakiil ka ah Sanatar...