Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Date:

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay dhismaha Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, tobaneeyo waalidiin oo ah ehellada dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Maali, isaga oo dhagaystay tabashadooda, ugana warbixiyay dadaalladii ugu dambeeyay ee dowladdu ku bixisay soo siidaynta muwaadiniintaasi.

Wasiir Isaaq Mursal, ayaa caddeeyay in Wasaaraddu xiriir kala samaysay arrinkani Dowladda Maali iyada oo loo maray Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Magaalada Addis Ababa, ayna si dhow ula shaqayneyso hay’adaha ay khuseyso si loo fududeeyo soo sii deynta iyo dib u soo celinta dhammaan muwaadiniintaasi xiran. Waxa uu intaasi ku daray in wafdi ka socda dowladda uu dhawaan tagi doono magaalada Bamako si ay u sii dardargeliyaan dadaalladaasi.

Waxa uu markale caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay badbaadinta muwaadiniinteeda ee ku sugan dalka dibadiisa, isaga oo xusay in dad ka badan 700 oo qof laga soo daad gureeyay dibadda dalka si nabad ahna dib loogu soo celiyay dalka tan iyo horraantii sanadkan 2025-ka.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale kula dardaarmay waalidiinta in ay kaalin mug leh ka qaataan sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa khatarta tahriibka, isaga oo ku baaqay in la xoojiyo wadashaqeynta hay’adaha amniga iyo garsoorka si loola dagaallamo shabakadaha wax tahriibiya, loogana hortago musiibooyin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyey kulan gaar ah oo ku saabsanaa xoojinta dowlad-dhiska Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Dowladda Masar u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo Ka tacsiyeeyay geerida marxuum Xuseen Axmed Qoryooley

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daa’uud...