Wasiirka Gaashaanshiga Jasiiradda Komoros oo si hab-maamuus leh looga sagootiyay Muqdisho

Date:

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cumar Cali Cabdi, oo uu wehlinayo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, ayaa maanta si hab maamuus sare leh ugu sagootiyay Wasiirka Gaashaandhigga ee Jasiiradda Komoros, Mudane Yousoufa Mohamed Ali, Taliyaha Ciidanka Difaaca Rwanda, General Mubarakh Muganga iyo wakiillo kala duwan oo ka socday dalalka xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari (EASF), kuwaas oo ka qeybgalay Kalfadhiga 34-aad ee Hay’adaha Siyaasadda ee EASF, oo muddo shan maalmood ah ka socday magaalada Muqdisho.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan wufuudda iyo ka-qaybgalayaasha shirka, kuwaas oo door muuqda ka qaatay wada-hadalladii muhiimka ahaa ee looga gol lahaa xoojinta iskaashiga Ciidanka Heeganka, adkeynta amniga gobolka, iyo kobcinta wadajirka siyaasadeed iyo ciidan ee dalalka ku midoobay EASF.

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa yiri “ Waxaan rajeyneynaa inaan sii wadno iskaashiga iyo horumarka aan wadaagno ee amniga si loo xaqiijiyo xasiloonida iyo barwaaqada goobolka Bariga Afrika”.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...