Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabad joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tillaabada xabbad joojinta ay qeyb ka qaadaneyso nabadda iyo xasilloonida ka gobollada bari ee DRC Congo.

“Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelinaysaa kaalinta dhexdhexaadinta ee ay qaadatay Dowladda walaalaha ah ee Qatar, taasoo gacan weyn ka geysatay fududeynta wadahadallada lagu qabtay magaalada Doha, kuna dhiirrigelisay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhinacyada in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabbad joojinta ah, si loo helo nabad waarta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Markabka shidaal qodista Turkiga oo 10 April soo gaari doono Muqdisho 

Waa waaber cusub oo u baryay Soomaaliya, iyadoo markabka...

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...