Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Pier Mario Daccò Coppi, isaga oo kala hadlay dhinacyada ugu muhiimsan xiriirka labo geesoodka ee u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray muhiimadda ay leedahay dhowridda xiriirka taariikhiga ah ee soo jireenka ah iyo qoto-dheereynta iskaashiga qeybaha muhiimka ah.

Intii kulanka lagu guda-jiray waxaa lagu fallanqeeyay kor-u-qaadidda dadaallada wadaagga ah ee dhinacyada horumarinta, waxbarashada iyo amniga, si la mid ah sare-u-qaadida xiriirka diblomaasiyadeed. Labada dhinac ayaa waxa ay markale caddeeyeen ka go’naanshahooda hore-u-dhaqaajinta dano wadaagga iyo iskaashiga si loo taageero koritaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Musharixiinta u taagan kursiga HOP204 oo qaatay shahaadada Musharxnimo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Madaxweynaha JFS ayaa Kulan La Qaatay Wasirrada XFS iyo Xildhibaannada Labada Aqal Ee Baarlamaanka Dalka Ee Ku Sugan Magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxaweynaha JFS oo qaabilay duqa magaalada Baydhabo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...