Shirka dib-u-eegista wadashaqeynta Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka furmay Addis Ababa

Date:

Shirka dib-u-eegista dhexe ee Guddiga Farsamo ee wasaaradaha Soomaaliya iyo Itoobiya, oo ujeeddadiisu tahay in lagu qiimeeyo heerka fulinta heshiisyadii laga gaaray shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Wasiirrada Wadajirka ah ee ka dhacay Muqdisho, ayaa saaka ka furmay Hotel Hilton ee magaalada Addis Ababa.

Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika, ayaa shirka diiradda ku saaraya kordhinta iskaashiga labada shacab, kobcinta ganacsiga iyo dhaqaalaha, xoojinta waxbarashada, caafimaadka, horumarinta xirfadaha dhalinyarada, iyo iskaashiga amniga iyo wadajirka gobolka.

Mudane Mohamed Issac Fatiir, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Bariga Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, ayaa sheegay in wada-hadallada la xoogga saarayo xoojinta xiriirka dadweynaha labada dal, iyadoo diiradda la saari doono arrimaha amniga, horumarka, iyo riyooyinka ay wadaagaan labada shacab.

Dhankiisa, Mudane Zerihun Abebe, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa furitaanka shirka ka sheegay in uu gogol xaar u yahay wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah. Waxa uu tilmaamay in laga doodi doono fursado iskaashi oo cusub, sida ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka, shaqaalaha iyo xirfadaha, iyo duulista rayidka.

Shirkan ayaa labada dhinac diiradda ku saarayaan iskaashiga siyaasadda, amniga, ganacsiga, dhaqanka, dalxiiska, warbaahinta, waxbarashada, caafimaadka, iyo adeegga hawada iyo duulimaadyada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliska XDS oo ka farxiyay Carruurta danyarta ah ee ku jirta Isbitaalka Xoogga

Maamulka Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta dhar loogu...

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...