Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Magacaawday xubnaha guddiga farsamo ee dhameystirka Maamulka SSC-Khaatumo

Date:

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Faderaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS, Cali Xoosh ayaa magacaabay guddi ka kooban sideed ruux oo ka shaqeyn doono howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka ayaa lagu sheegay in guddigaan guddoomiye iyo ku xigeen looga kala dhigay Dr. Axmednuur Maxamed iyo Cabdinasiir Xaaji Maxamed.

Sidoo kale, xubnaha guddiga ayaa noqon doona Axmed Shire Axmed, Carafaat Cali Maxamed, Axmed Yuusuf Maxamuud, Rufaci Maxamed Salaad, Maxamuud Siciid Nuur iyo Fadumo Cabdi Cali.

Guddigaan ayaa si gaar ah ka shaqeyn doono Talo-bixin iyo fududeyn ku saabsan dhamaystirka maamulka. Isku xirka hay’adaha federaalka iyo kuwa deegaanka. Talabixinta dhismaha hay’adaha maamulka deegaanka. Soo diyaarin warbixino joogto ah oo lagu wargeliyo Wasaaradda.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in mudada Guddigu ayaa noqon doonaa ilaa laga dhamaystirayo maamulka Dawlad Goboleedka SSC-Khatumo.

“Guddigu si toos ah ayuu ula xisaabtami doonaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib-u-heshiisiinta, iyagoo soo gudbin doona warbixinno bille ah oo muujinaya horumarka howlaha” ayaa lagu yiri qoraalka magacaabista.

Hoos ka akhriso Wareegtada

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dayactirka Warta Boondheere. 

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...