Wasiir Kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo faahfaahiyay muhiimada booqashada Claver Gatete ee Muqdisho

Date:

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal, ayaa faahfaahin ka bixiyay booqashada magaalada Muqdisho uu ku yimid Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Claver Gatete.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in imaatinka wafdigan sare uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka wada shaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay. Waxa uu tilmaamay in inta ay ku sugan yihiin Muqdisho, wafdiga uu hoggaaminayo Claver Gatete ay booqan doonaan qaar kamid ah wasaaradaha ay wada shaqeynta dhow kala dhaxeyso Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Wasiir Isaaq Maxamuud Mursal ayaa xusay in wafdigu ay kulamo muhiim ah la qaadan doonaan madaxda ugu sarreysa dalka, si loo sii ambaqaado iskaashiga dhinacyada horumarinta, bini’aadannimada, iyo nabadgelyada.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...