Xuska toddobaadka xoriyadda oo si rasmi ah u bilowday

Date:

Waxa si rasmi ah guud ahaan dalka uga bilowday xuska maalmaha toddobaadka xoriyadda iyadoo dabaal degyadii ugu horeeyey shalay lagu qabtay degmooyinka gobolka Banaadir,dabaal degyadan ayaa socon doona mudo toddobaad ah si joogto ah.

Masuuliyiin ka mid ah xubnaha Guddiga qaban qaabada toddobaadka xoriyadda ayaa shalay uga qayb galay isu soo baxyo dabaal deg ah oo lagu qabtay degmooyinka Kaaraan iyo Xamarweyne halkaas oo dadweynuhu isugu soo baxeen iyadoo dadweynaha shucuurtoodu ahayd mid ay ku dheehan tahay farxad ay ku muujinayaan soo dhowaynta maalmaha xoriyadda.

Kooxaha fanka ee kala ah Onkod iyo Heegan ayaa shalay si weyn uga dhex muuqday fagaareyaashii lagu soo bandhigayey dabaal dega maalmaha xoriyadda.

Maalmaha xoriyadda ayaa sannadkan si weyn looga xusi doonaa deegaanadii laga xorreeyey kooxaha khawaarijta,deegaanadan laga xorreeyey khawaarijta ayaa mudo dheer ka dib helaya neecaw xoriyaddeed tan oo ku timid dagaalka dowladda Soomaaliya dib ugu xoraysay deegaanadaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Norway oo Oslo ku qabtay kulan sanadle ah.

Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa magaalada Oslo...

Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha 7aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka  

Shirweynaha toddobaad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Adduunka ayaa si rasmi...