Madaxweynaha maamulka Somaliland oo si rasmi ah u furay imtixaanka Shahaadiga ah ee 2025

Date:

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta oo Sabti ah (21.06.2025) si rasmi ah u daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalada 8-aad (Dhexe) iyo 4-aad (Dugsiga Sare) ee Somaliland,tirada Ardayda Imtixaanka u fariisanaysa ayaa ah 40,000 oo Arday kuwaas oo isugu jira fasalka 12-aad ee dugsiga sare iyo Fasalka 8-aad ee dugsiga hoose dhexe.

Munaasibadan oo ka dhacday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ee magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Madaxweynuhu farriin u diray Ardayda, Macallimiinta, Kormeerayaasha iyo Masuuliyiinta bahda Waxbarashada, isaga oo dul istaagay muhiimadda ay Waxbarashadu u leedahay aasaaska horumarka.

Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxa uu Ardayda u fadhiisanaya Imtixaannka Shahaadiga ku ammaanay dedaalkooda iyo adkaysigooda. Sida oo kale, Madaxweynuhu waxa Ardayda ku boorriyey in ay si daacadnimo iyo kalsooni leh u galaan Imtixaanka isla markaana ay si buuxda u dhawraan hab-sami-u-socodka imtixaanka muddada uu socdo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hantidhowrka Guud ee Qaranka oo kulan la yeeshay madax ka socta hay’adaha UNODC, UNDP.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta...

Soomaaliya oo Khibraddeeda Maaliyadeed la kajeedisay Shir Caalami ah oo ka dhacay Beirut.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige,...

Urrur siyaasadeedka JSP oo daah furay ololaha Musharaxa Duqa Muqdisho.

Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ayaa si heer...

Ololaha urrurada siyaasada ee doorashada deegaanka oo ka bilaabmay Muqdisho.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo ururrada siyaasadeed ee diiwaangashan ayaa...