Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka โ€œOne Healthโ€

Date:

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer caalami ah oo diiradda lagu saaray โ€œOne Healthโ€ โ€“ habka iskaashiga ah ee lagu wajaho caafimaadka aadanaha, xoolaha, deegaanka iyo deegaanka dabiiciga ah.

Wasiir Cali Xaaji ayaana si faahfaahsan uga hadlay dadaallada dowladda Soomaaliya ay wado ee lagu xaqiijinayo hirgelinta istaraatiijiyadda โ€œOne Healthโ€ ee dalka. Isagoo xusay sida ay muhiim u tahay in la helo iskaashi buuxa oo u dhexeeya Wasaaradaha caafimaadka, deegaanka, xanaanada xoolaha iyo hayโ€™adaha caalamiga ah, si wax looga qabto khataraha caafimaadka bulshada ka imaan kara cudurrada ka dhasha xoolaha ama deegaanka.

Wasaaradda Caafimaadka ee Dowladda Soomaaliya waxaa ka goโ€™an in la dhiso hannaan mideysan oo wax looga qabanayo khataraha caafimaad ee ka dhasha cudurrada xoolaha, deegaanka iyo isbeddelka cimilada, iyadoo laga duulayo aragtida One Health.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...