Madaxweyne Xasan Sheekh :Madaxda Dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in madaxda dowladda ay la tashadaan shacabka, ayna dhageystaan argtiyadooda waxa ay dhibsanayaana ay dhowraan, si looga fogaado in lagu adkeeyo arrimo aysan raalli ka ahayn.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu diyaar u tahay in ay la tashato qeybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid yihiin aqoonyahannada, siyaasiyiinta, iyo shacabka guud ahaan. Wuxuu xusay in talada dalka ay u furnaan karto dhammaan dadka Soomaaliyeed, balse go’aannada ugu dambeyna ay yihiin kuwa ay gaaraan hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

“Madaxda dowladda waxaa laga rabaa inay la tashadaan shacabka oo laga dhaafo waxa ay dhibsanayaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo xusay in dowladdu ay xil iska saarayso dhegeysiga iyo tixgelinta dareenka shacabka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dalka uu ku jiro marxalad horumarineed oo muhiim ah, islamarkaana loo baahan yahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo sidii Soomaaliya ula tartami lahayd dowladaha kale ee gobolka.

“Maanta waxaan gaarnay heer aan kheyraadkeena soo saari karno,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo tilmaamay in taasi ay ka mid tahay guulaha muuqda ee dowladdu ku tallaabsatay.

Hadalkan Madaxweynaha ayaa ka mid ahaa khudbaddii uu ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, iyo Agaasimihii hore, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee KGS oo ka qeyb-galay dhaarinta Wasiirka Amniga Gudaha KGS

Baydhabo, Abriil 9, 2026: Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowladda...

Markabkii Shidaalka qodayay oo soo gaaray Muqdisho

Waxaa saaka xeebta magaalada Muqdisho soo gaaray markabka qodista...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi...

Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Dibadda oo kulan la yeeshay UNTMIS si loo dardargeliyo geeddi-socodka kala-guurka

Muqdisho, 8 Abriil 2026 Mudane Cali Maxamed Cumar, Wasiiru-Dowlaha...