Hayโ€™adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Date:

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Baniโ€™aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hayโ€™adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka Banaadir deeq hilibka Udxiyada ah ugu qeybisay 1,600 oo qof oo danyar ah, kuwaas oo horey uga soo barakacay deegaanadoodii ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen.

Hilibkan waxaa ka faaโ€™iideystay dad danyar ah, naafo iyo barakacayaal. Munaasabadda qeybiska waxaa goobjoog ka ahaa madax sare oo ka tirsan hayโ€™adaha Boqor Salmaan iyo Xikmo Charity.

Qaar kamid ah qoysaskii ka faaโ€™iideystay deeqdan ayaa u mahadceliyay hayโ€™adda Boqor Salmaan, iyagoo xusay baahida ay ka daboolayso.

Hassan Cabdi Jimcaale oo kamid ah madaxda hayโ€™adda Xikmo Charity ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ka faaโ€™iideysatay gobolka Banaadir.

Sidoo kale, mid kamid ah masuuliyiinta degmada Dayniile ayaa u mahadceliyay hayโ€™adda Boqor Salmaan, isagoo bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka.

Hayโ€™adda Boqor Salmaan ayaa horey gargaarkan oo kale uga fulisay inta badan gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale