Hay’adda Boqor Salmaan oo Hilib udxiyo ah ka qeybisay Dayniile

Date:

Xarunta Gargaarka iyo Howlaha Bani’aadantinimada ee Boqor Salmaan oo kaashanaysa hay’adda Xikmo Charity ayaa maanta markale degmada Dayniile ee gobolka Banaadir deeq hilibka Udxiyada ah ugu qeybisay 1,600 oo qof oo danyar ah, kuwaas oo horey uga soo barakacay deegaanadoodii ay abaaraha iyo colaadaha saameeyeen.

Hilibkan waxaa ka faa’iideystay dad danyar ah, naafo iyo barakacayaal. Munaasabadda qeybiska waxaa goobjoog ka ahaa madax sare oo ka tirsan hay’adaha Boqor Salmaan iyo Xikmo Charity.

Qaar kamid ah qoysaskii ka faa’iideystay deeqdan ayaa u mahadceliyay hay’adda Boqor Salmaan, iyagoo xusay baahida ay ka daboolayso.

Hassan Cabdi Jimcaale oo kamid ah madaxda hay’adda Xikmo Charity ayaa faahfaahin ka bixiyay tirada ka faa’iideysatay gobolka Banaadir.

Sidoo kale, mid kamid ah masuuliyiinta degmada Dayniile ayaa u mahadceliyay hay’adda Boqor Salmaan, isagoo bogaadiyay taageerada joogtada ah ee ay siiso shacabka.

Hay’adda Boqor Salmaan ayaa horey gargaarkan oo kale uga fulisay inta badan gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...