Shirka Wadatashiga Ururrada Siyaasadda iyo Xukuumadda oo hadda ka furmay Magaalada Muqdisho

Date:

Shir ballaaran oo u dhaxeeya Ururrada Siyaasadda ee diiwaangashan iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah uga furmay Muqdisho, Waxaana ka qeyb galay madax sare oo ka socoto hay’adaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo masuuliyiin kale.

Shirka waxaa soo qaban qaabiyay guddiga isku dabaridka gogosha Qaran, ee uu guddoomiyaha u yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xassan Macallin Maxamuud.

Shirkan ayaa diiradda lagu saarayaa arrimaha Amniga, Dastuurka iyo Doorashooyinka, waxaana uu gogol xaar u yahay shirweynaha uu Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ku baaqay si loo helo isfaham siyaasadeed oo Qaran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed...

Wasaaradda ganacsiga oo dhiirrigalinaysa kordhinta wax-soosaarka gudaha

Wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha dowladda FS mudane Jamaal...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...