โ€˜Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)

Date:

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe iyo masโ€™uuliyiin kale ayaa kulan la qaatay saraakiisha Ciidamada Qaranka, kuwa deegaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan, kaasi oo ay ka qeybgaleen masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda, waxaana looga hadlay dardargelinta howlgallada ciidanka ee ka dhanka ah Khawaarijta iyo sida ugu habboon ee loo xoojin karo wadashaqeynta heyโ€™adaha ammaanka iyo ciidanka kale ee ku howlan ciribtirka kooxdaasi.

Agaasimaha Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe oo maalmahaan ku sugnaa furimaha dagaalka ee Gobolka Hiiraan ayaa boogaadiyay guulaha ciidanka qaranka ay todobaadkaan ka soo hooyeen la dagaalanka kooxaha nabad-diidka,wuxuuna kula dardaarmay in la dardargaliyo howlgalada ciidan ee ka socda gobolka Hiiraan iyo deegaanada kale.

Kulanka waxaa dhinaca kale ka qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure,Taliyaha Ciidanka Xoogga ee Gobolka Hiiraan Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaa,kusimaha Ciidanka qeybta 27-aad C/Laahi Barre Cilmi,Taliyaha qeybta Boliiska Hiiraan Isaaq Cali C/Le iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiitaan Muuse Salaad Weheliye, iyadoo sidoo kale Kulankaasi waxaa soo xaadiray qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.

Sidoo kale Agaasimaha Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee (NISA), Mudane Cabdulaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa kulan muhiim ah la qaatay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Xaq-u-Dirirka deegaanka, kaas oo diiradda lagu saarayey dardargelinta amniga iyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda deegaanada Gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ka dhacay degmada Moqokori ayaa lagu falanqeeyey sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta hayโ€™adaha ammaanka, ciidamada qalabka sida iyo bulshada deegaanka, si loo xaqiijiyo guulo waaweyn oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta.

Masuuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa isla qiray muhiimadda ay leedahay in si isku duuban looga hortago Khawaarijta, lagana xoreeyo deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan.

Wasiirka gaashaandhigga dowladda FS mudane Axmed Macallin Fiqi oo shir jaraaโ€™id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in hawlgallo dhulka ah iyo duqeymo lagu weeraray maleeshiyaadka Khawaarijta oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeelaha dhexe, Shabeelaha hoose iyo Jubada hoose lagu dilay ilaa 120-ka tirsan Khawaarijta.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in dagaallo culus oo wali ka socda xadka gobolka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, jab weyn lagu gaarsiiyey argagixisada, sidoo kalena Jubada hoose oo lagu dilay ilaa 30-ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta qaarkood oo gacanta lagu dhigay, lana hubinayo inay ku jiraan horjoogayaal kooxda ka tirsan.

Howlgal kale oo ka shacay deegaanada Sabiid iyo caanoole ee Gobolka Shabeelada Hoose oo ay fuliyeen ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa lagu dilay horjooge iyo koox ilaalo u aheyd, kaas oo si gaar ah ugu lug kahaa Hoobiyaal dhowr mar lagu soo tuuray xaafadaha Muqdisho, sida lagu xusay Shirkaasi Jaraaโ€™id.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa u mahadceliyey Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey dhabar adeyg iyo geesinimo, islamarkaana ku guulaystay inay dhul badan ka saaraan Khawaarijta, isagoo ugu dambeyntii, ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaaliyeed inay ka fogaadaan hadal kasta oo dhaawacaya halganka Qaran, ayna noqdaan kuwo garab istaaga Ciidanka iyo shacabka โ€˜halkii ay noqon lahaayeen codka cadowgaโ€™.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Axmed Maclin Fiqi oo u waramay dhawaan Warbaahinta qaranka ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan ciidamada qaranka oo ay ku jiraan kuwa deegaanka ee loo yaqaanno Macawisleeyda ay u diyaargaroobaan dagaal lagu soo afjarayo kooxaha khawaarijta ee diidan nabadda Soomaaliya.

โ€œSuurtagal maaha in dad ka yimi meelo fog-fog iyo kuwo ajaanib ah ay kugu addoonsadaan deegaankaagaโ€ayuuyiri Wasiir Fiqi oo intaa raaciyay in ay waajib tahay la dagaalanka kooxdaan oo diidan horumarka dadka iyo deegaanka.

Wasiirka ayaa xusay in kooxda nabad-diidka ay marayaan xaalad gabagabo ah,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in si wadajir ah looga hortago kooxdaasi,isagoo si gaar ah uga codsaday dhallinyarada in ay xoogooda ku muquuniyaan Al-Shabaab maadaama ay diidan yihiin in dhallinyaradu in ay helaan nabad,shaqo iyo amni.

Dhinaca kale Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda Marayknka wuxuu abaalmarin gaaraysa ilaa $10 milyan oo dollar ku bixinayaa wixii macluumaad ah oo ku saabsan Cabdullaahi Banati iyo qof kasta oo masโ€™uul ka ah weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Manda Bay, Kenya, Janaayo 5, 2020. Xarunta Manda Bay waa saldhig milatari oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Kenya, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada qalabka sida ee Mareykanka, si ay u siiyaan xulufada Maraykanka ee Bariga Afrika tababar iyo taageero ku aadan ka hortagga argagixisada, ugana jawaabaan dhibaatooyinka iyo ilaalinta danaha Mareykanka ee gobolka, sida ay qortay ADF.

Aroornimadii hore ayaa maleeshiyada Al-Shabaab ay Madaafiic ku garaaceen fariisimaha ku dhexyaalla saldhigga ciidamada Kenya iyo Maraykanka, waxayna si isku mar ah u huwiyeen baasuukayaal iyo hubka fudud garoonka diyaaradaha ee ku dhagan Manda Bay. Labo duuliye oo Qandaraasleyaal ahaa oo ka tirsanaa waaxda difaaca, oo labaduba ahaa muwaadiniin Mareykan ah, ayaa la dilay markii diyaaradahooda militariga lagu garaacay RPG-yada. Qandaraasle seddexaad oo ka tirsan waaxda difaaca, oo sidoo kalena ahaa muwaadin Maraykan ah, ayaa ka badbaaday qaraxa laakin waxaa soo gaaray dhaawac culus. Khabiir ahaa militariga Mareykanka sidoo kalena ahaa hagaha taraafikada hawada ayaa la dilay.

Sidoo kale, labo ka mid ah shaqaalaha adeegga muwaadiniinta Mareykanka ayaa ku dhaawacmay dagaalka. Askari Kenyan ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka. Fiidiyoow ay baahisay wakaaladda wararka ee Al-Shabaab ee Shahada, ayaa afhayeenkooda wuxuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyeen weerarkaas.

Cabdullaahi Banati wuxuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ku lugta lahaa qorsheynta howlgalka weerarkii Janaayo 5teedii, 2020-kii ee ka dhacay garoonka diyaaradaha Manda Bay. Al-Shabaab โ€“ oo ah faraca ugu weyn ee Al-Qaacida ee Bariga Afrika โ€“ ayaa masโ€™uul ka ah weerarro argagixiso ah oo badan oo ka dhacay Kenya, Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah, kuwaas oo galaaftay nolosha kumannaan qof oo ay ku jiraan muwaadiniin Maraykan ah. Bishii Maarso 2008-kii waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Al-Shabaab u aqoonsaday inay yihiin urur Argagixiso Shisheeye ah iyo Argaggixiso Caalami oo Gaar ah.

Sidoo kale, bishii Abriil 2010-kii, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Guddiga Cunaqabataynta Soomaaliya ayaa u aqoonsaday Al-Shabaab inay yihiin urur sida ku xusan qodobka 8aad ee Qaraarka 1844 (2008).

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saaka booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Aljeeriya

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iiman Cige oo...

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka xal u helista Barakacayaasha oo Addis ababa lagu qabtay

Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya lagu soo...