Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo uu guddiga kusoo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrintii labaad.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaatay 136-Xildhibaan, 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha madaniga ah, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday 5-xildhibaanna waa ay ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay arin ay xildhibaano Golaha ka tirsan soo jeediyeen taas oo aheyd in Golaha uu dhaqaale ku taageero Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira Khawaariijta, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in arrintaas uu guddoonka Golaha guddi gaar ah u xilsaari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Taliska Booliska Soomaaliyeed oo shir deg deg ah ka yeeshay amniga Doorashada

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi (Diyaano),...

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda oo kormeer ku tagay Degmada Kaaraan, halkaas oo ay ka socoto qaadashada Kaarka Codbixinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray Iskuul waxbarasho oo loogu talagalay Gabdhaha

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...