1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Ciidamada Qalabka Sida ku ammaaney guulaha ay ka soo hoyeen dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Isbitaalka Demartino, isagoo u kuurgaley xaaladda caafimaad ee geesiyaasha ciidanka degaanka ee Macawisleyda ee ku soo dhaawacmay jiidda hore ee dagaalka lagula jiro Khawaarijta.
3-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
4-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shir-Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, isagoo ka hadlay xaaladda dalka, mowqifka dowladda Federaalka ee arrimaha gobolka iyo Carabta.
5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa Mudane Idiris Cismaan Xaaji Cali u magacaabay inuu noqdo Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga.
6-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hal-doorka dhallinyarada Soomaaliyeed la yeeshay kulan weyne lagu xoojinayay doorka ay ku leeyihiin difaaca qaranka iyo doorashooyinka
7-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Jamhuuriyadda Turkiga, waxaana uu xusay in mustaqbalka qaran walba uu gacanta ugu jiro dhallinyarada dalkiisa, loona baahan yahay in ay ku hagaan jidka toosan.
8-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Yemen u fadhiya Soomaaliya, Mudane Fadli Ali Ahmed, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal.
9-Ra’iisul Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.
10-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Arrimaha Afrika ee UK Lord Collins of Highbury ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyey Dood-wadaag Caalami ah oo ku saabsaneed Ilaalinta Bulshada.
11-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa daah-furay shir lagu falanqeynayay saameynta dhaqaale ee xulashooyinka qaab-dhismeedka dastuurka Jamhuuriyadda.
12-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa si wadajir u dhagax-dhigay dhismaha waddada Nasiib Buundo ee marta degmooyinka Warta-Nabadda, Boondheere iyo Shibis.
13-Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jabriil Cabdirashiid ayaa si rasmi ah u furay shir lagu falanqeynaayay saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka.
14-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Algiers kaga qeybgaley shirka sannadlaha ee Bangiga Horumarinta Islaamka (IsDB.
15-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM u fadhiya Soomaaliya Manuel M. Pereira
16-Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa kulan la yeeshay dhiggiisa dalka Ciraaq, Mudane Thaabit Maxamed Al-Cabaas,iyagoo ka wada hadlay iskaashiga labbada dal ee dhanka amniga.
17-Wasiirka Amniga Gudaha Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa magaaladda Baqdaad ee dalka Ciraaq kula saxiixday heshiis dhanka amniga ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaasi, Mudane Cabdul-Amiir Al-Shamari.
18-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa si rasmi ah u furay kulan sannadeedka Guddiga Hagidda Dad-Dhigista Iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga.
19-Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka horgeeyay Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah.
20-Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax ayaa furay shirka hannaanka wada shaqaynta tiirarka Qorshaha isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029).
21-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa si rasmi ah u soo xiray shir ay isuga yimaadeen Wasiiradda Ganacsiga ee Dowlad-Goboleedyada oo diiradda lagu saaray sidii loo mideyn lahaa nidaamka sharciyeed ee diiwaan-gelinta iyo shatiga ganacsiga.
22-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho khibrad wadaag dhanka warbaahinta ah ku tegay Turkiga.
23- Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadija Mohamed Al-Makhzoumi ayaa la kulantay wafdi sare oo ka socday AUSSOM oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Soomaaliya, Kareem Adebayo.
24- Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Turkiga, Dr. Kemal Memişoğlu.
25-Wasiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs Maryama Maxamed Xuseen ayaa furtay kulanka Ururka Dhakhaatiirta Cudurrada Haweenka iyo Dhalmada Soomaaliyeed ”SOGA” oo looga hadlay taageeridda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka soo wajaha haweenka xilliga dhalmada.
26-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa ka wada-hadlay dimuqraadiyeynta dowladnimo iyo doorashooyinka Dowladda Hoose ee Magaalada Muqdisho.
27-Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjire Ilyaas Cali Xasan oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.
28-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qaybgalay shirka 62-aad ee Wasiirrada Caafimaadka Carabta oo dhinac socday Shirweynaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).
29-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb Pier Mario Dacco Coppi.
30-Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyayaasha degaanka ee gobolka Hiiraan ayaa in ka badan 75 xubnood oo ka tirsanaa khawaarijta ku dilay dagaalo ka dhacay xuduudda gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
31-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadisay kaalinta naf hurnimada ah ee geesiyaasha degaanka ee Macawisleyda gobolka Hiiraan ay ka qaadanayaan ciribtirka Khawaarijta iyo sida ay dhabarka uga jabiyeen dhammaan isku-dayadii naf la caariga ahaa ee Khawaarijta.
32-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA), Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb galay Shirka ID4Africa 2025.
33-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafa Dhuxulow ayaa kulan la yeeshay guddiga Isku-dhafka ee u xil-saaran diyaarinta qandaraaska hannaanka lagu tayaynayo dukumentiga Baasaboorka Soomaaliyeed.
34-Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan si’ loo Dardar-geliyo dagaalka ka socda Shabeellaha Dhexe.
35-Maxkamadda gobolka Bay ayaa ku fulisay xukun dil toogasho ah Axmed Cabdullaahi Maxamuud oo magaalada Baydhabo ku dilay Abshir Xasan Cabdiraxmaan.
36-Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Drs. Maryama Maxamed Xuseen ayaa kulan la yeelatey Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya. Amb Pier Mario Dacco Coppi.
37-Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Muqdisho ku soo dhoweeyay S/Guud Sam Okiding, oo ah Taliye Ku-Xigeenka Ciidamada Uganda.